pregnant woman

Mindfetalness

qaab si gaar ah loogula socdo dhaq-dhaqaaqa uu canugga caloosha ku jiro sameynaayo

Dareenka ugu horreeya ee dhaq-dhaqaaqa canugga waxaa mararka qaar lagu tilmaamaa dollin ama xanta-xanteyn taxaddir leh. Mar kasta oo uu sii weynaadaba uurku oo canuggu uu sii koro dhaq-dhaqaagu waa uu sii kala caddaadaa. Sida carruurta mar dhaw dhalatay ay u kala duwanyihiin waxaa jirta in kuwa aan weli dhalanna ay kala duwanyihiin. Carruurta qaar aadbey u dhaq-dhaqaaq badanyihiin inta ay minka ku jiraan halka kuwa kalena ay deggaanyihiin, laakiin iyada oo ay sidaa jirto haddana carruurta oo dhan dhaq-dhaqaaq waa ay sameeyaan ilaa ay ka dhalanayaan. Canug kasta waxaa uu leeyahay hab uu u dhaq-dhaqaaqo, marka uuku gebagebo ku dhawaadana waa la garan karaa habkaas. Canuggu waxa uu isku beddelaa waqti uu soo jeedo oo uu aad u dhaq-dhaqaaqo iyo waqti nasasho, markaasna canuggu waa uu degganyahay. Dhaq-dhaqaaqu waxaa uu gaaraa meeshi ugu sarreysa agagaarka usbuuca 32 ee uurka, heerkaas ayuuna taagnaadaa badanaa ilaa dhalashada laga gaaro. Dhaq-dhaqaaqu waa uu soo xoogeystaa inta uu canuggu korayo laakiin marka uurku uu gebagebo ku dhawaado waxaa loo arkaa in uu sidi horay loogu yaqiinnay ka duwanyahay dhaq-dhaqaaqu.

In canuggu uu dhaq-dhaqaaqo waa calaamad wanaagsan, dumar uur leh oo badanna waxaa ay tilmaamaan in ay maalin walba u fiirsadaan dhaq-dhaqaaqa canugga uurkooda ku jira. Qaab nidaamsan oo loogu fiirsan karo dhaq-dhaqaaqa canugga uurka ku jira waa qaabka Mindfetalness oo loo isticmaali karo in lagu garto hannaanka uu u dhaq-dhaqaaqo. Waqti habboon oo la billaabi karo qaabka Mindfetalnesska waa marku uu uurku gaaro usbuuca 28.

Sidaan ayaa loogu taba baran karaa Mindfetalnessta

Waxaa la jeclaan lahaa in si maalinle ah loogu taba barto Mindfetalnessta. Waqtiga habeen iyo maalin kuugu habboon adiga ayaa dooranaaya laakiin mar walba la sug marka uu canuggaagu uu ku jiro waqtigi uu soo jeedayay. U seexo ama u fadhiiso si raaxa leh marka aad ku taba baraneysid Mindfetalnessta. Haddii aad seexaneysid waxaa habboon in aad u seexatid dhinaca bidix. Dhaq-dhaqaaqa si muuqata ayaa loo dareemayaa marka aad dhinaca u seexatid, minkana dhinaca bidix ayuu markaas dhiigmarku ugu fiicanyahay, taas oo u fiican canugga. Ku dhawaad 15 daqiiqo iskugu gey awoodda fahamkaaga dhaq-dhaqaaqa canuggaaga. Adiga ayaa dareemi doona haddii aad u baahantihid in kabadan ama in kayar si aad fikir uga heshid dhaq-dhaqaaqa. Qaar waxaa ku filan in ay dareemaan oo keliya sida uu canuggu u dhaq-dhaqaaqayo, qaarna waxaa ay door bidaan in ay wax ka qoraan waxa la dareemayo. Dhammaadka warbixintaan waxaa jira boos aad u isticmaali karitd in aad ku qoratid sida dhaq-dhaqaaqa loo dareemayo.

Inta lagu jiro Mindfetalnessta waxaad ahamiyadda saareysaa canugga dhaq-dhaqaaqiisa

Awoodda dhaq-dhaqaaqa
Sida uu canuggu u dhaq-dhaqaaqyo
Imisa ayay lugto dhaq-dhaqaaqeysaa

Su’aalaha laga jawaabayo waa:

Si cad ma loo dareemayaa dhaq-dhaqaaqa?
Dhaq-dhaqaaqu ma leeyahay awoodda uu caadi ahaan leeyahay?
Ma u dhaq-dhaqaaqaya canuggu si la mid ah sida uu caadi ahaan u dhaq-dhaqaaqyo?

Dhaq-dhaqaaqa canugga marka uurku uu gebagebo ku dhawaado

Dhaq-dhaqaaqa canugga aan weli dhalan waxaa loo qaybin karayaa laba qaybood oo waaweyn; dhaq-dhaqaaq waaweyn iyo dhaq-dhaqaaq yar-yar. Dhaq-dhaqaaqa waaweyn waxaa loo dareemaa si muuqata, waxaa ay noqon kartaa marka uu canuggu haraatamayo ama uu jirka kala bixinayo. Dhaq-dhaqaaqa yar-yar ee uu sameynayo canuggu, laakiin aan la dareemeyn waa dhaq-dhaqaaqa la xiriira fara isku qabashada iyo neef-neefsashada. Agagaarka usbuuca 25 ilaa iyo 30 ee uurka, dhaq-dhaqaaqu waxa uu billaabaa in uu si nidaamsan u dhaco, canugguna waqtiyo soo jeed oo ay soo kale dhexgelayaan waqtiyo nasasho oo ah qiyaasti 40 daqiiqo ilaa iyo hal saac ayuu leeyahay.

Dhaq-dhaqaaqu waa uu isbeddelayaa tartiib-tartiib hadba sida uu uurku u sii weynaado, si kale ayaana loo dareemi karaa iyada oo ay sababtu tahay meesha uu canuggu ku jiro si uu u dhaq-dhaqaaqo oo yaraaneysa, laakin taasi saameyn kuma yeelaneyso inta jeer ee uu canuggu dhaq-dhaqaaqayo. Dumarka bilohooda uurku buuxsamaan oo tilmaamaya sida dhaq-dhaqaaqa loo dareemayo waxaa ay isticmaalaan erayo sida: awood badan, riixaya, kala jiidaya, weyn, dhinac-ka-dhinac, aayar iyo dhaq-dhaqaaqyo fudud.

Haddii aad wax yar maalin walba ah ahamiyadda saartid dhaq-dhaqaaqa canugga caloosha ku jira marka uu canuggu ku jiro waqtiga soo jeedka, waxaad si fiican u fahmi kartaa qaabka adiga canuggaagu uu dhaq-dhaqaaqo. Waxaa muhiim ah in u kuurgeliddani ay dhacdo mar la ogyahay in uu canuggu soo jeedo (waqtiga nasashada canuggu aadbuu u xassilanyahay). Aadbuu u kala duwanaa karyaa dhaq-dhaqaaqa ilmuhu marka la eego canugba canugga kale.

Dumar tijaabiyay isticmaalidda Mindfetalnessta waxaa ay tilmaamayaa in la dareemayay degganaasho, joogitaan iyo ahamiyad siin marka ay qaabkan ku taba baranayeen. Waxaa kale oo ay tilmaameen waqtiga yar ee ay xiriir la sameynayeen canuggooda aan weli dhalan iyo in ay dareemeen isku xirnaan xoog badan oo ay carruurta la leeyihiin. Adiga oo keliya ayaa go’aan ka gaari kara haddii uu qaabkani kugu habboonyahay.

Isku soo wada duub

Inta u dhexeysa usbuuca 25 illa iyo 30 ee uurka dhaq-dhaqaaqu waxa uu billaabaa in uu si nidaamsan u dhaco, canugguna waqtiyo soo jeed oo ay soo kale dhexgeleyaan waqtiyo nasasho oo ah qiyaasti 40 daqiiqo ilaa iyo hal saac ayuu leeyahay. Carruurta badankoodu waxaa ay leeyihiin marka uurku uu gebagebo ku dhawyahay qaab habeen iyo maalin ah oo ay galabtii firfircoonyihiin.

Usbuuca 32aad waxaa lagu tlmaamaa wejiga simman marka la eego imisa jeer oo uu canuggu dhaq-dhaqaaq sameynayo, mana jiraan wax muujinaya in uu dhaq-dhaqaaqu yaraanayo marka marka la gaaro gebagebada uurka.

Waxaa dhici karta in farqi weyn uu u dhexeeyo canugba canugga kale inta jeer ama heerka uu canuggu dhaq-dhaq sameynayo.

Dareen u lahaw qaabka uu canuggaagu dhaq-dhaqaaqa u sameeyo. Dareenkaaga aamin; haddii aad ka welwelsantihid in dhaq-dhaqaaqa canuggaagu uu yaryahay ama uu tabar daranyahay waa in aad la xiriirtaa hey’adaha caafimaadka.

Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ilmaha uurka ku jira

Maxaa canuggaagu minka ka dhex sameynayaa?

Inta uu canuggu korayo dhaq-dhaqaaqiisu waa uu sii kala caddaanayaa waxaana uu noqqonayaa mid joogto ah. Dhaq-dhaqaaqa yar-yar lama dareemayo, tusaale ahaan marka uu canuggu suulka nuugayo ama fara isku qabanayo. Haraatida iyo marka uu canuggu iskala bixinayo si fiican ayaa cadi ahaan loo dareemaa, qaar badanna waa ay dareemaan marka uu canuggu higgoonayo (hiq yar oo si jaan go’an u dhacda) marka lagu jiro waqtiyada ugu dambeeya ee xilliga uurka.

Inta lagu jiro bilaha ugu dambeeya ee xilliga uurka dhaq-dhaqaaqu waa uu muuqdaa waana xoog badanyahay, laakiin taas hannaan ahaan waxaa loo dareemaa si kale marka la barbar dhigu marki uu canuggu haystay meel weyn oo uu ku dhaq-dhaqaaqo. Qaar waxaa ay tilmaamaan in uu canuggu iskala bixinayo sida in uu canuggu is fidinayo maadaama meeshu ay ciriiri kusii noqoneyso. Qaarna waxaa ay ku tilmaamaan in dhaq-dhaqaaqu uu soo weynaanayo iyada oo jirka oo dhan uu dhaq-dhaqaaq sameynayo waxaana loo dareemi karaa in uu aayar u socdo. Mar kasta oo uu canuggu weynaado dhaq-dhaqaaqiisuna waa uu muuqdaa.

Ma runbaa in canugga dhaq-dhaqaaqiisu uu yaraado marka xilliga uurku uu dabayaaqo ku dhawaado?

Maya, taasi sax maaha. Dhaq-dhaqaaqa canuggu waa uu sii kordhaa ilaa laga gaaro usbuuca 32aad ee uurka, markaas ka dibna iyo ilaa laga gaaro dhalashada dhaq-dhaqaaqu inta badan waa isku heer. Waxaa muhiim ah in la xasuusto in canuggu uu dhaq-dhaqaaq firfircoon lahaanayo inta uurka uu ku jiro oo dhan.

Canuggu ma dhaq-dhaqaayaa si joogto ah?

Canuggu ma dhaq-dhaqaaqyo si joogt ah. Carruurta oo dhan waa ay xassiloonyihiin waxaana ay hurdaan waqtiyo gaa-gaaban. Waxaa dhici karta in farqi weyn uu u dhexeeyo canugba canugga kale inta jeer ama heerka awoodeed ee canuggu dhaq-dhaq uu sameynayo.

Ma ku adkaan kartaa qaar in dareemaan dhaq-dhaqaaqa?

Waxaa macquul ah in ay fududeyneyso in la dareemo dhaq-dhaqaaqa haddii haweeneydu u seexato dhinaca bidix oo ay dareenkeeda iyo maskaxdeeda ku jeediso dhaq-dhaqaaqa. Qaar waxaa ay tilmaamaan in iyadoo ay sidaa tahay haddana ay xitaa adagtahay in ay dareemaan canuggooda dhaq-dhaqaaqiisa, waxyaabaha adkayn kara waxaa ka mid ah in aad loo buuranyahay. Haddii qofka uu culeys maskax ahaaneed saaranyahayna waa ay adkaan kartaa sidoo kale in la fahmo dhaq-dhaqaaqa.

Maxaan sameynayaa haddii aan dareemo in dhaq-dhaqaaqa canuggu uu sii yaraanayo, siina tabar-darraanayo, iyada oo uurka xilliyadiisi ugu dambeeyayna lagu jiro?

Haddii uu dhaq-dhaqaaqu yaraado, xagga awoodda ama soo noqo-noqoshada, amaba ay uu dhacyo si ka duwan sida canuggu cadi ahaan uu dhaq-dhaqaaqi jiryay, taasi waxaa ay calaamad u noqon kartaa in xaalka canuggu uusan ku fiicney minka gudihiisa. Kuwa ugu badan ee uurka leh waxaa ay u arkaan in dhaq-dhaqaaqa oo yaraada iyo dhaq-dhaqaaqa oo tabar darraada uu keenayo in ay dhalaan canug caafimaad qaba oo fiican, laakiin khatarta uu canuggu ugu jiro in uusan fiicnaan ayaa kordheysa. Haddii aad u aragtid in dhaq-dhaqaaqu uu yaraaday ama tabar darraaday oo aad dareemeysid in uu ka duwan-yahay sidi markii hore ay ahayd taas looma turjuman karo in wax ay caadi yihiin ilaa baaritaan looga sameeyo canugga.